Webinsidesomalia.org

Single Sign-On


Easy Sign In
RPX

Tweets

An error occurred

Oops, an error seems to have occurred. We're sorry for any inconvenience this might have caused. If the error persists, feel free to tell us about it.

User Videos


Rating :
Views :
417
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
407
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
76
Date :
09-08-2010

Newsletter and Updates










News in English
Wararka Maanta

Online Users

0 users and 199 guests online | Show All
Hantidii Qaranku Halkee bay ku Danbeysay? PDF Print E-mail
News in Somali - Ganacsiga
Tuesday, 21 July 2009 13:46

Idaacadda VOA Laanteeda Af-Soomaaliga ayaa bilowday barnaamijyo Taxanaha ah oo aan halku dhig uga dhignay Hantida Soomaaliya halkeebay ku danbaysay?.

Taxanahan Qeybtiisa koowaad waxaan ku eegaynaa Hantidii Soomaaliya u taalay dalkan Mareykanka.

Dowladda Soomaliya laba guri ayay ku laheyd dalkan Mareykanka. Mid wuxuu ku yaallay magaaladan Washington, wuxuuna ahaa safaaraddii Soomaaliya ee Mareykanka.

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Somalia ku dhawaad 20 sano kahor, oo uu halkaas-na ku go’ay xiriirkii xagga diblomaasiyadda ahaa ee u dhaxeeyey Somalia iyo Mareykanka,
Xukuumadda Washington waxay ku khasbanaatay inay xaraashto gurigii Somalia, sida uu qorayo xeerka caalamiga ah ee xagga diblomaasiyadda.

Lacagtii ay ku iibisay gurigaas ayay dowladda Mareykanku ku xareysay khasnadda dalka, inta laga yagleelayo qaran Soomaaliyeed oo uu Mareykanku aqoonsan yahay.

Inkastoo uu taageeray dowladihii KMG ahaa ee isaga daba maray xukunka dalka, haddana Mareykanku marnaba si rasmi ah uma aqoonsan xukuumadahaasi.

Hantida labaad ee uu leeyahay qaranka Somalia waxay ku taallaa magaalada New York. Waana mid loogu tala galay inuu ku noolaado danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay. Mar haddii uu gurigaas yahay mid hoos yimaadda xeerarka diblomaasiyadda ee QM, wuxuu ka badbaaday in la xaraasho.

Daaqadaha gurigan ayaa isku dhex daatay. Midabkiina wuu kasii doorsoomayaa. Saqafkiina wuu daxaleystay. Dhir noocyo kala duwan leh ayaa ku dahaarmay halka laga galo gurigaas.
Dariska xaafadda New Rochelle ayaa doonaya in guriga bas-beelay la xaraasho, si uusan u ceebeyn xaafaddaas bilicda san.

Wararka Maanta
Barcad badeed Somaaliyeed Burcadeed baddeed Somaaliyeed ayaa xoog ku qabsaday markab weyn oo kuw...
Lacag dollar ah Dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdishu ku soo bandhigtay ...
Suuqa Garoowe oo dib u habayn lagu samaynayo Suuqii ugu waynaa ee magaalada Garoowe ayaa la burb...
Dowladda Somalia ayaa aqalkaas iibsatay dhowr iyo labaatan sano kahor. Markii ay dowladdaasi burburtay-na, guriga waxaa muddo deganeyd haweeney Soomaali ah oo ka tirsaneyd diblomaasiyiintii ka howl-gali jirtay xarunta QM.

Dariska ayaa warbaahinta u sheegay in markii ugu dambeysay ee ay arkaan qof halkaas deggan ay aheyd lix sano kahor. Diblomaasigaas wuxuu ahaa Axmed Xaashi (Xasharo) oo halkaas danjire uga ahaa dowladdii Carta. Qoyskiisa ayuu gurigaas mar soo dajiyey, laakiin markii dambe wuu ka raray, markii uu gurigu noqday meel aan lagu noolaan karin, isaguna uu u waayey kharash uu guriga ku dayactiro.

Waxaa waagaas guriga dhinac ka degganaa Ciid Beddel, oo hadda ah ku xigeenka danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM. 

Ciid Beddel iyo shan xubnood oo kale oo ka tirsan ergada dowladda KMG ah u fadhida QM waxeey deggan yihiin guryo kiro ah. Haddii ay suurto gasho in la dhamaystiro dib u dhisidda gurigaasi ayuu sheegay Ciid inuu gurigaasi dagi doono danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobay
Ciid Beddel waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay Mareykanka ku leedahay lacagtii uu Mareykanku ku xaraashay safaaraddii Washington. Mareykankuna lacagtaa u isticmaalayo dib u yagleelidda gurigaa soomaaliyeed.

Haddii lagu guuleysto in dib boorka looga jafo oo la soo celiyo bilicdii uu lahaa degaanka danjiraha soomaaliya ee QM, ee ku yiillay xaafadda New Rochelle ee magaalada New York waxaa meesha ka baxaysa xaraashkii ay ku baaqayeen dadka deggan xaafadda oo dhibsaday darxumada gurigaasi iyo sida uu dhaawacayo bilicda degaankooda.




20-July-2009

Source: VOA Somali News

 

Share this article with others:
Reddit! Del.icio.us! Facebook! StumbleUpon! TwitThis

The comment section is restricted to members only.
 


related articles:


Copyright ©2007 - 2010 insidesomalia.org - All Rights Reserved | About Us | Contact us | Disclaimer