|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Monday, 30 November 2009 15:53 |
 |
|
| Barcad badeed Somaaliyeed |
Burcadeed baddeed Somaaliyeed ayaa xoog ku qabsaday markab weyn oo kuwa shidaalka qaada ah.
Markabkan oo laga leeyahay dalka Griigga ayaa waxaa saliida uu ka soo qaaday dalka Sacuudi Arabia uu u siday dalka Maraykanka.
Markabkan ayaa laga qabsaday meel xeebaha Soomaaliya u jirta ilaa iyo 1000km.
Markabkan oo la yiraahdo, Maran Centaurus, ayaa waxaa uu culeykiisu dhan yahay ilaa iyo seddex boqol oo kun oo tan, waana markabkii ugu weynaa ee ebed burcad badeed Somaaliyeed ay qafaashaan.
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Saturday, 21 November 2009 17:26 |
 |
|
| Lacag dollar ah |
Dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdishu ku soo bandhigtay lacag ay sheegtay inay been abuur tahay oo gaaraysa hal milyan oo dollarka Maraykanka ah.
Lacagtan oo dowladdu ay sheegtay in lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ku socotay magaalada Hargeysa.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in la doonayay in xasillooni darro looga abuuro Somaliland.
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Wednesday, 18 November 2009 13:41 |
 |
|
| Suuqa Garoowe oo dib u habayn lagu samaynayo |
Suuqii ugu waynaa ee magaalada Garoowe ayaa la burburiyay ka dib markii maamulku uu u arkay in qaabka dhisme ee suuqaasi yahay mid aan hagaagsanayn isla markaasna ay ka taagan tahay nadaafad xumo iyo bilicda suuqa oo aad u liidata.
Maamulka ayaa hadda qorshaynaya in suuqa dib loo dhiso, iyadoo uu gacan ka gaysanayo barnaamijka horumarinta qaramada midoobay ee UNDP.
Ciidamo ka socda booliska ayaa suuqa lagu arkayaa iyadoo dad badana ay daawanayaan duminta dhismayaasha suuqa, dhowr goor oo aan halkaas tegay intii ay socotay hawsha suuqa lagu duminayo kuma arkin wax dhibaato ah ama muran oo halkaas ka dhacay.
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Sunday, 04 October 2009 15:17 |
|
Dowladda KMG ayaa kalluumaysatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho uga digtay inaanay wax hub ah u qaadan dhinaca badda xilliga ay kalluumaysiga ku jiraan.
Raisal-wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Kallumaysiga iyo kheyraadka badda, Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa arrintaan maanta ka sheegay kullan uu la qaatay qaar ka tirsan kalluumaysatada Muqdisho. Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in wixii maanta ka danbeeya aan la aqbali doonin in gudaha badweynta lagu arko kalluumaysato hubeysan, wuxuuna sheegay in ciidamada ilaalinta xeebaha ee dhawaan la tababaray ay amar u haystaan inay xabadeeyaan doonidii lagu tuhmo inay hub sidato ama u hogaansami wayda ammarka ciidamada badda.
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Tuesday, 11 August 2009 08:15 |
 | | | Saldhig shidaal | Tani waa warbixin sheekooyin badan faafinaysa. Qaaradda Afrika ma aanay caddeyn oo keliya inay tahay dhagax adag oo aan la jebin karin taas oo ka duwan sidii ay waddammada Asia rumeysnaayeen, ee laakiin xataa guusha sharikadaha shidaalka ee Asia waxay ahayd mid si muuqata u xaddidan. Warbixintan uu soo saaray aqalka Chatham House waxay arrinta ku soo gebagebaynaysaa in inta badan goobaha shidaalka ee waddammada galbeedka Afrika ay weli ku jiraan gacmaha reer galbeedka. Heshiisyada ugu lacagta badan waxaa weli haysta sharikadaha ay ka midka yihiin Chefron, ExxonMobil iyo Shell. Isbarbar dhigga dalalka Nigeria iyo Angola ayaa sidoo kale la yaab leh. |
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Friday, 24 July 2009 16:24 |
|
 | | Baydhaba | Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemaya hoos u dhac ku yimid qiimaha xoolaha suuqa weyn ee magaalada. arrintan oo ay sabab u tahay xoolaleyda oo ay la soo gudboonaatay abaaro iyo biyo la aan saameyn ku yeeshay nolasha dadka iyo duunyada. Ganacsatada Xoolaha ee suuqa Baydhabo ayaa sheegayin ay aad uga niyad jabsanyihiin hoos u dhaca muuqda ee ku yimid qiimaha la kala siito xoolaha. Neefka geela ah ayaa haatan waxaa uu suuqyada Baydhabo ka joogaa inta u dhaxaysa 470 ilaa 500 oo Dolar, waxaa na bilo ka hor uu ahaa 780 ilaa 810 Dolar. Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa ku kalifay xoolo-dhaqato badan in ay suuqyada u iib keenaan xoolahooda intanay ku dhiman abaarta si ay ugu bedeshaan raashin iyo waxyaabo kale |
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Friday, 24 July 2009 16:18 |
 | | | Abuukar Shamo waxa uu ahaa nin ganacsade oo caan ah | Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Abukar Shamo, oo ah milkiilaha Hoteel Shamo, ahna ganacsade aad looga yaqaan Soomaaliya. Abuukar Shamo, si kedis ah ayuu u geeriyooday isaga oo maanta gelinkii hore hawlhiisa si caadi ah u watay. Abuukar Shamo waxaa uu ahaa dadka tirada yar ee iyaga ee iyaga oo awooda inay ka tagaan dalka, haddana u adkaystay colaadaha aan dhammaadka aqoon ee magaalada Muqdisho. Weliba waxaa uu ka sameeyay Muqdisho Hoteel aad u sarreeya xilli aan magaalada ganacsigeedu sidaa u wanaagsanayn. Berigii Mareykanku ay ka dagaallamayeen Muqdisho, waxaa Hoteelkiisa ku soo degay weriyayaal aad caan uga ah Mareykanka iyo caalamkaba, oo uu ka mid yahay Dan Rather. Intii ka dambeyseyna, Hoteelkiisu waxaa uu ahaa goob ay hey'ado badan oo ajnebi ahi ay ku soo degaan marka ay Muqdisho yimaadaan. |
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Tuesday, 21 July 2009 13:46 |
|
Idaacadda VOA Laanteeda Af-Soomaaliga ayaa bilowday barnaamijyo Taxanaha ah oo aan halku dhig uga dhignay Hantida Soomaaliya halkeebay ku danbaysay?. Taxanahan Qeybtiisa koowaad waxaan ku eegaynaa Hantidii Soomaaliya u taalay dalkan Mareykanka. Dowladda Soomaliya laba guri ayay ku laheyd dalkan Mareykanka. Mid wuxuu ku yaallay magaaladan Washington, wuxuuna ahaa safaaraddii Soomaaliya ee Mareykanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Somalia ku dhawaad 20 sano kahor, oo uu halkaas-na ku go’ay xiriirkii xagga diblomaasiyadda ahaa ee u dhaxeeyey Somalia iyo Mareykanka, Xukuumadda Washington waxay ku khasbanaatay inay xaraashto gurigii Somalia, sida uu qorayo xeerka caalamiga ah ee xagga diblomaasiyadda. Lacagtii ay ku iibisay gurigaas ayay dowladda Mareykanku ku xareysay khasnadda dalka, inta laga yagleelayo qaran Soomaaliyeed oo uu Mareykanku aqoonsan yahay. Inkastoo uu taageeray dowladihii KMG ahaa ee isaga daba maray xukunka dalka, haddana Mareykanku marnaba si rasmi ah uma aqoonsan xukuumadahaasi. Hantida labaad ee uu leeyahay qaranka Somalia waxay ku taallaa magaalada New York. Waana mid loogu tala galay inuu ku noolaado danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay. Mar haddii uu gurigaas yahay mid hoos yimaadda xeerarka diblomaasiyadda ee QM, wuxuu ka badbaaday in la xaraasho. Daaqadaha gurigan ayaa isku dhex daatay. Midabkiina wuu kasii doorsoomayaa. Saqafkiina wuu daxaleystay. Dhir noocyo kala duwan leh ayaa ku dahaarmay halka laga galo gurigaas. Dariska xaafadda New Rochelle ayaa doonaya in guriga bas-beelay la xaraasho, si uusan u ceebeyn xaafaddaas bilicda san. |
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Tuesday, 30 June 2009 09:45 |
|
 | | Shariif Xasan Sh Aadan | Dawladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad caalami ah oo qaabilsan hantidhowrka oo maamulaysa dhaqaalaha ay beesha caalamku ugu deeqdo Soomaaliya. Heshiiskaasi waxaa Soomaaliya u saxiixay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Shariif Xasan Sh. Aadan.
Hehsiiska ay dawladdu la gashay shirkadda PricewaterhouseCoopers ayaa la xiriira sidii ay shirkaddaasi ay xisaabin iyo hanti dhowr ugu samayan lahayd dawladda. Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh Adan oo u warramay VOAda ayaa difaacay heshiiiskaasi oo ay maanta oo isniin ah wada saxiixdeen labada dhinac oo uu sheegay in ujeedadiisu tahay in maadaama maamulka lacagaha baaxadda leh ay in mudo ah ka maqnayd Soomaaliya, in maaliyadda ay mamausho shirkadaasi oo saldhigeedu yahay dalka Kenya.
Shariif Xasan waxa uu sheegay in go'aamada maamulka iyo sida lacagtaasi loo bixiinayo ay ka iman doonaan madaxda Soomalaiya, balse shirkadda looga baahan yahay xisaabinta iyo hanti-dhowrka. |
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Saturday, 09 May 2009 10:21 |
Waxaa saaka si nabadgelyo ah ugu soo xirtay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho Markabkii Al-Miisaan ee u rarnaa ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo ay dhawaan af-duubteen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah.
Markabkan oo wada raashin, qalabka dhismaha iyo baabuur ayaa waxaa dhawaan laga qabsaday nawaaxiga Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan xili uu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, wuxuuna markiisii horeka soo shiraacday Deked ku taalla Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.
Ganacsatada uu u raran yahay Markabkan oo aan la xiriirnay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Markabka, Badeecada iyo shaqaalaha saaranba ay bed qabaan, isla markaana uu saacado ka hor ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Tuesday, 05 May 2009 11:59 |
Dhawaanahan waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dhaca gaadiidka, gaar ahaan kuwa raaxada, waxaana maanta oo ugu dambeysay dhac loo geystay Gaari uu watay Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere). Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere oo ka soo baxay Isbitaalka Madiina oo uu booqasho ku tegay ayaa waxaa nawaaxiga Isgoyska Banaadir u galay rag hubeysan oo ku labisnaa dharka Ciidamada Dowladda, kadibna waxay kala degeen gaarigii uu watay iyagoo aan wax dhibaato ah u geysan.
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Sunday, 03 May 2009 07:34 |
 | | | Wasiirka maaliyadda Somalia, Sharif Xasan Sh. Adan, ayaa heshiiska u saxiixay Somalia | Kulan ay magaalada Khartoum ku yeesheen 29-kii April wasiirka maaliyadda ee Sudan, Dr. Cawad Axmed Jaaz, iyo dhiggiisa Somalia, Sharif Xasan Sheikh Adan, ayay isku af-garteen in Sudan ay Somalia gacan ka siiso soo daabacashada lacag cusub, sida ay kusoo warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalka Sudan. Dr. Jaaz ayaa sheegay in Sudan ay dowladda Somalia ka caawineyso wax alla iyo wixii ku saabsan horumarinta xagga hey'adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha. Wuxuu kaloo intaas ku daray in Sudan ay dib usoo nooleyn doonto xiriirkii ganacsi ee u dhaxeeyey labada dal. Sharif Xasan Sheikh Adan ayaa isna dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay u baahan tahay taageerada dalka Sudan. Wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay qaadi doonto tallaabo walba oo lagu hormarinayo hannaanka dhaqaale ee dowladdiisa. Source: BBC News Somali |
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Wednesday, 29 April 2009 09:24 |
Waxaa dib u furmay saakay Ganacsigii dhulka ismaamulka ee Soomaalida Ethiopia kadib markii ciidamada Ethiopian ah oo aad u faro badan oo bilihii ugu dambeeyay joogay deegaano halkaasi ku yaalo ay ka baxeen qaar ka mid ah deegaanadaasi.
Ciidamada saakay ka baxay halkaasi oo in mudo ah ku sugnaa ka dib dagaalo ku dhaxmaray iyaga iyo jabhado ka oo horjeedo ayaa intii ay joogeen deeganaadaasi waxaa hakad weyn ku jiray dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee u dhexeeyay dhulka Soomaalida Ethiopia iyo Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.
Saakay [Apr28] ayaa waxaa lagu arkayay wadooyinka isku xira labada dhinac Gaadiid fado badan oo xamuul ah islamarkaana labada dhinac isaga kala gooshayo kuwaasoo si isdabo jog ah oo aan kala joogsi leheyn u socdo waxaana ganacsatada qaar oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in haatan uu soo hagaagaya xiriirka ganacsi ee labada dhinac kadib markii ciidamada Ethiopia ay faarujiyeen deegaanada qaar ee dhulka Soomaalida Ethiopia waloow meelaha qaar ay weli ku sugan yihiin.
|
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Thursday, 09 April 2009 09:44 |
 | | | FBI ayaa baaritaan ku sameysay xawaaldo ay Somali leeyihiin | Laanta dambi-baarista ee FBI ee Mareykanka, ayaa baartay computer-ada saddex shirkad oo ah xawilaadaha Somaalida ee gobolka Minnesota. Cabsi & khalkhal ayaa ka dhashay. Dhowr iyo toban sarkaal oo ka tirsan laanta FBI-da, ayaa tagay xafiisyada xaawaladaha Soomaalida aroornimadii Arbacada. Arrintaas waxaa noo xaqiijiyey Afhayeenka FBI-da ee gobolka Minnesota, E.K. Wilson. Wuxuu sheegay in FBI-du ay baartay xafiisyada saddex shirkadood oo ku yaalla xaafad ay Soomaalidu ku badan yihiin, oo ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Wuxuu sheegay inuu baaritaanku qeyb ka haa mid hore u socday oo ay FBI-du ku howllaneyd. Shirkadaha la baaray waxay kala ahaayeen: Qaran Express, Olympic iyo Al-Mustaqbal. Saalax Axmed waa agaasimaha laanta shirkadda Al-Mustaqbal ee gobolka Minnesota. Goobjoog ayuu ahaa markii ay FBI-du baareysay xafiiskiisa. |
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Saturday, 04 April 2009 07:45 |
 | | | Gordown Brown oo ka hadlaya gabagabadii shirka G20 | Hogaamiyeyaasha waddamada G20, ayaa ku heshiiyay inay ku bixiyaan lacag dheeraad ah, oo dhan hal tiriliyan oo dollar, oo ah milyan milyan dollar, si wax looga qabto dhaqaalaha dhibaateeysan ee dunida. Ra'iisul Wasaaraha Britain Gordon Brown, oo ku dhawaaqayay heshiiska, ayaa sheegay in caalamku isku yimid si ay u gaabiyaan waqtiga lagu jiro dhaqaale xumida adduunka, loona bedbaadiyo shaqooyinka. Gordon Brown, ayaa waxa uu doonayay in la helo tiro weyn oo dib looga soo laabto dhaqaale xumida taagan, taasi oo in badan oo ka mid lacagta la siin doono hey'adda lacagta adduunka ee IMF. |
|
News in Somali -
Ganacsiga
|
|
Thursday, 02 April 2009 10:45 |
|
Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu yimid shirka waddamada G20 oo maanta ka furmay magaaladatan London, halkaasi oo ay doonayaan inay isku raacaan tallaabooyin wax looga qabanayo dhibaatada dhaqaale ee caalamka ka taagan. Madaxda waddamada ugu qanisan caalamka ee la isku yiraahdo G20, ayaa la filayaa inay xoojiyaan nidaamka bangiyada caalamka si looga hortago inay soo laabato dhibaatada dhaqaale ee dunida heysata oo ah tii ugu xumeyd tan iyo sanadkii 1930-kii. Dadaal dheeraad ah ayaa la filayaa inay ballanqaadaan madaxda G20 oo lagu taageerayo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha adduunka. However, UK Business Secretary Lord Mandelson told the BBC there were still disagreements over a number of issues. Ammaanka ayaa si weyn loo xoojiyay magaalada London, iyadoo la filayo bannaanbaxyo kale oo dheeraad ah oo ka dhaca meelo u dhaw goobta uu shirku ka dhacayo oo la yiraahdo Excel oo ku taalla dhinaca bari ee magaalada London. Dadka shalay mudaharaadayey oo gaarayay ilaa shan kun oo qof ayaa qaarkood waxa ay burburiyeen daaqaadaha bangiga RBS. Ciidamada booliiska ayaa sheegay in ilaa hadda ay xireen 88 qof oo afar ka mid ah dacwado lagu soo oogay. Source: BBC News Somali |
|
|
|
|
<< Start < Prev 1 2 Next > End >>
|
|
Page 1 of 2 |