|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Wednesday, 17 March 2010 11:17 |
|
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyey warbixin uu soo saaray Guddiga Daba-galka Xayiraadda Hubka ee Somalia, waxayna sheegeysaa in musuqmaasuq baahsan oo aafeeyey DKMG ah, iyo in masuuliyiinta Puntland ay xiriir soke la leeyihiin kooxaha burcad-badeedda.
Warbixita, oo ka kooban 110 bog, ayaa ugu horreyn-ba sheegeysa in inkastoo ay saaxadda siyaasadeed ee Somalia si weyn isku bedeshay sanadkii tagay, oo la doortay hoggaan cusub, wadaaddo qunyar socod ahna ay majarihii dalka qabteen, in haddana xaaladda guud ee dalka, inay kasii darto m ahane, aaney wax weyn iska beddelin.
Colaad qabyaaladeysan
Warbixintu waxay sheegtay in colaadda ka aloosan koonfurta Somalia ay u xuubsiibatay mid qabyaalad ku saleysan. Waxaana illaa hadda meesha ka maqan koox ama dhinac cudud xooggan muujiyey, oo muquunin kara kuwa kasoo horjeeda.
Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland iyo Puntland, oo inta badan xeyndaab xasilloon uga dahaarnaa colaadda ragaadisay koonfurta Somalia, inuu iyana imminka soo gaaray faniinka colaaddaas.
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Wednesday, 17 March 2010 11:13 |
 |
|
| Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay |
Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka soo hordhigay warbixin culusoo ka hadleysa xadgudubyada hubka ee Soomaaliya.
Wabixintu waxa ay si ballaaran uga hadashay xadgudubyada ugu daran. Halkan ka akhriso
Warbixinta loo gudbiyay Golaha Ammaanka waxay sheegtay in Puntland ay tahay meelaha hubka ugu badan uu ka soo galo Soomaaliya
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Tuesday, 16 March 2010 13:42 |
|
Dowladda KMG iyo ururka Ahlu-Sunna ayaa Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis ay ku midoobayaan.
Xafladda heshiiskaasi lagu saxiixayay ayaa waxaa ka qeyb galay wafuud caalami ah oo ka kala socda, UN-ka, IGAD, Midowga Yurub midowga Africa.
Wasiirka Maaliyadda Sharif Xassan oo dowladda u saxiixay heshiiskaasi ayaa VOA u shaagay heshiikaasi uu Somalia dhibaatada ka saari doono, isla markaana ay si wadajir ah iyaga iyo ahlu-sunna uga soo wada horjeesan doonaan ururka Al-Shabaab. Shariif Xasan wuxuu sheegay in lagu heshiisyay in awood la qeybsado oo Ahlu-Sunna xubno ka tirsan waxay wasiirro ka heli doonaan dowladda KMG.
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Tuesday, 16 March 2010 13:40 |
 |
|
| Dowladda iyo Ahlu Sunna waxay ku heshiiyeen magaalada Addis Ababa |
Xubin ka tirsan ururka Ahlu Sunna, Shiikh Bashiir Cabdi Colaad oo ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa ku tilmaamay heshiiska dhexmaray dowladda iyo Ahlu Sunna mid Shir qool ah.
Shiikh Bashiir oo haatan jooga magaalada Caabud-waaq ayaa BBC u sheegay in wafdigii ka baxay dhinacooda Ahlu Sunna Wal Jameeca, loo diiday inay hadlaan oo loogu hanjabay in xabsiyada loo taxaabayo.
|
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Monday, 15 March 2010 11:04 |
 |
| Johnnie Carson |
Johnnie Carson, wuxuu beeniyay warbixinta lagu soo daabacay wargeyska New York Times todobaadkii hore, taasoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo magacooda qariyay kuwaasoo sheegay inay kaalmo dhinaca cirka ah iyo khuburro gaar ah oo militari ugu deeqi doonaan Somalia.
Johnnie Carson, wuxuu yiri " Warbixintaasi si sax ah ugama turjumayso umana muujinayso mowqifkeenna siyaasadeed iyo waxa aynu ka qabanayno Somalia. Waxaan kaalmo milatari siinay DKMG, waxaanan kaalmadaasi u bixinayn annagoo si weyn u aamisan in DKMG ay baadigoob ugu jirto soo afjarrida qalalaasaha Somalia ee ay sababeen Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirta."
Johnnie Carson, wuxuu sheegay in Maraykanku aanu iska lahayn qorshaha, agaasinka, iyo isku dubaridka howlgalka milatari ee DKMG. Carson wuxuu hoosta ka xariiqay in Maraykanku aanu bixin bixinna doonin taageerro toos ah oo la siiyo dowladda Somalia si ay guluf dagaal u qaado. Kaaliyuhu wuxuu sheegay inaysan bixin qarashka la-taliyayaasha militari ee DKMG la siiyo. Johnny Carson wuxuu caddeeyay inaysan jirin baahi loo qabo in la Maraykaneeyo khilaafka Somalia.
Mar uu ka jawaabayay su'aal ku saabsanayn in codsi taageerro dhinaca militariga ah oo cirka laga duqeeyo kooxaha mucaardka ay uga timid dowladda DKMG, wuxuu yiri " aniga iyo xafiiskayga nama soo gaarin codsi rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayba oo ka yimid DKMG, kaasoo lagu codsanayo weerarro dhinaca cirka ah ama howlgallo milatari oo laga yaabo yaabo inay socdaan oo laga taageerro."
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Monday, 15 March 2010 11:02 |
 |
|
| Al-Shaba |
Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa dhowaan gacmaha iyo lugaha looga gooyay ugu yaraar 2 qof oo lagu eedeeyay howlo burcadnimo ah.
Xarakada al-Shabaab, oo iyadu gacanta ku haysa maamulka gobolkaasi, ayaa xukunka ku fulisay ragga la soo eedeeyay.
Hase yeeshee, waxaa tallaabooyinka laga qaaday eedaysanayaasha si xoog leh uga soo horjeestay Cali Sheekh oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ee dhowaan ay dowladdu halkaa su magacawday.
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Wednesday, 10 March 2010 17:31 |
|
Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxayso dagaalo iyo duqeymo saaka ilaa maqribnimadii caawa ka dhacayey Magaalda Muqdisho iyo sheegashada dhinacyada ee guulaha ay kala gaareen.
Dagaal iyo duqeymo is barbar socday oo ka soconayey qeybo ka tirasan xafadaha Magaalada Muqdisho oo soo garey gabaldhicii
Dagaaladan oo bilowday saaka aroortii xiliga salaada ayaa waxay ku faafeen xaafadaha waqooyiga Magaalada Muqdisho sida Cabdicasiis, Shibis, Yaaqshiid, Maanbolyo ,kaaraan waxaana ay risaastu gareysay qeyb ka fogfog halka dalaaku ka soconayey sida ay ku soo waramayaan dad ka fog fog halka dalaaladu ka dhacayaan waxaana dhinacyadu isu adeegsanayaan madaafiicda hobiyaha qoryaha lidka diyaradaha ,B-M ka iyo madaaficda garbaha laga rido.
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Friday, 12 February 2010 11:17 |
Muqdisho Ciidamada Midowga Africa oo mar kale xaafado ka mid ah Muqdisho Duqeymo Ku bilaabay saaka .
Wararka Murugada iyo tiriaanyada leh ee lag ahelayo dhanka dagmoyinka ay duqeymuhu ku socdaan ayaa sheegaya in Madaafiic ku dhacday dagmada yaaqshiid ay geysatay dhimasho iyo dhawac soo garay dad rayid ah .
Madaafiicdaan oo ka soo burqaneysay fadhisimada ciidamada AMISOM ay ku leyihiin qeybo ka tirsan Magaalda Muqdisho ayaa galaafatay Nolosha lix ruux o rayid Somali ah kuwaas oo aan waxba galabsan isla markaana aan ku jirin wax dagaal ah waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaarey dad ka mid ah kuwa deegaanka oo madaafiic ugu tagtay guryahoda xili halkaasi aanay ka jirin wax iska horimad ah.
|
|
News in Somali -
Siyaasadda
|
|
Thursday, 04 February 2010 10:22 |
|
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa dalbaday mooshin lagu dalbanayo in Kenya raali galin ka bixiso qab-qabashadii Somalida ee Nairobi
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Kenya oo ku saabsan qab-qabashadii dhawaan ciidanka dalkaasi ay qabteen dad fara badan oo Somali ah oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Somalia.
Prof. C/laahi Axmed Afrax oo ka tirsan mudanayaasha mooshinkan gudbiyay ayaa VOA-da uga warramaya qodobadda mooshinka ku qoran oo uu sheegay inay 8 qodob ka kooban yihiin.
|
|
|
|
|
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>
|
|
Page 1 of 82 |