Webinsidesomalia.org

Single Sign-On


Easy Sign In
RPX

Tweets

An error occurred

Oops, an error seems to have occurred. We're sorry for any inconvenience this might have caused. If the error persists, feel free to tell us about it.

User Videos


Rating :
Views :
370
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
351
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
63
Date :
09-08-2010

Newsletter and Updates










News in English
Wararka Maanta

Online Users

0 users and 187 guests online | Show All
Isboortiga
Kubadda Cagta: Somalia 0-1 Rwanda PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Monday, 30 November 2009 15:51
Somalia iyo Rwanda
Somalia iyo Rwanda
Kooxda kubadda cagta ee qaranka Soomaaliya oo ka qaybgalaysay tartanka sare ee CECAFA oo ka dhacaya dalka Kenya, ayaa laga badiyay.

Group-ka B oo kooxda Soomaalidu ay ka mid tahay kooxaha ku jira, ayaa waxay is heleen kooxda dalka Rwanda.

Rwanda, ayaa 1-0 kaga adkaatay kooxda Soomaaliya matalaysay.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi, ayaa kooxda Soomaalidu wuxuu goolka ka dhashay ciyaarta markii ay 4 daqiiqo socotay.

Waxaa uu ahaa gool ay kooxda Soomaalidu iska dhalisay uuna dhaliyay ciyaartoyga Badri Macalimu.

Kooxda Soomaalida, ayaa dadaal u gashay in ay iska soo guddo goolka, iyadoo taageero ka helaysay daawadayaal Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada Nairobi, kuwaasi oo si buuxda u taageerayay kooxda ka socotay dalka Soomaaliya.

 
Ronaldo oo laga gaday Real Madrid: 131 Milyan US Dollar PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Friday, 12 June 2009 08:35
Ronaldo
Ronaldo waxa uu Man Utd u soo hooyay dhawr koob oo waaweyn
Kooxda kubadda Cagta ee Manchester United ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay ciyaaryahankooda Cristiano Ronaldo kaga iibiyaan kooxda Real Madrid, 131 milyan oo dollar, oo ah lacagtii ugu badneyd ee cayaaryahan lagu iibsado dunida.
 

Warbixin laga akhriyay xaruunta Naadiga Manchester ee Old Trafford, ayaa lagu sheegay in ay kooxdu ogolaatay in ay ka iibiso cayaaryahanka Real Madrid.

Hadalka kooxda Mancherster ayaa lagu sheegay in ay doonayaan in heshiiska la soo gabagabeeyo soddonka bishan June.

 
Caddaay iyo Wacdaraha Ciyaaraha Yurub PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Thursday, 04 June 2009 07:27

Cayaaryahan Caddaay
Cayaaryahan Caddaay
Cabdisalam Ibraahim Caddaay waa ciyaaryahan Soomaliyeed oo u ciyaara kooxda kubada cagta Manchester City ee dalka Ingiriiska iyo xulka qaranka dhalinyarada dalka Norwey.  Cabdisalan Caddaay waraysi ayuu siiyaya laanta af-Soomaaliga ee VOA-da.

Cadday oo ah 18-jir  waxa uu ka waramey inuu si niyad ah u jeclaa yaraantiisii kubadda cagta iyo in mar uun uu ka mid noqdo ciyaaryahannada caalamka magaca weyn ku leh ciyaarta kubadda cagta.

Cayaaryahan Caddaay waxuu sheegey in waalidkiis ay gacan weyn ku siiyeen sidii uu u gaari lahaa Riyadiisa aheyd inuu u ciyaaro xulka qaranka Norwey iyo kooxda hada uu ka tirsan yahay ee Manchester City ee dalka Ingiriiska.

 
Horyaalada Yurub: Barcelona 2, Man U 0 PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Thursday, 28 May 2009 08:30
BarcelonaKooxda kubbadda cagta ee Barcelona, ee dalka Spain, ayaa noqotay horyaalka horyaallada Yurub.

Laba gool iyo eber ayay ugu badisay kooxda Manchester United oo iyadu haysatay horyaalka.

Toban daqiiqo markii ay cayaartu socotay ayaa Barcelona waxay dhalisay goolkii koowaad.

Ronaldo oo la qawaafsan cayaarta oo farahiisa ka sii baxaysa

Kooxda Manchester United oo waxay iyadu taariikh ku samaysay in Park Ji-Sung oo u dhashay Kuuriyada Koofureed uu noqdo cayaartooygii ugu horreeyay ee u dhashay qaaradda Asia oo u safta koox cayaareysa cayaarta kama dambeysta ah ee horyaalka Yurub.

Cayaartu waxay ka dhacday magaalada Roma.

 

 
Mo Farah oo rikoor cusub dhigay British 10KM PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Thursday, 28 May 2009 08:24
Maxamed FarahOrodyahanka Mo Farah ayaa jabiyay rikoorkii oradka 10 Km ee lagu qabtey maalinimadii Isniinta taariikhduna ahayd 25 May 2009  magaalada London kadib markii uu ku orday  xawaare  aad u sareeya oo uu kaga gudbay Line xariga  27 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi.
 
Mo Farah waa 26 jir u dhashay dalka Soomaaliya isla markaana degan Galbeedka magaalada London kana tirsan ciyaaryahanada u orda xulka  dalka Britain, ciyaaryahankaan ayaa lasoo baxay wixii ka dambeeyay ciyaarihii Olympicada firfircooni dheeri ah guulo cusub, kuwaasoo uu ku dhigay rikooro cusub.
 
Oradka 3000M ee European indoorka waxay u dhigay rikoor cusub bishii Maaro 2009, hadana oradka Marathonka 10KM waxa u dhigay rikoor kale oo cusub, Mo Farah ayaa ku jabiyay rikoorkii oradkan Marathonka London oo uu hore u haystey ciyaaryahan u dhashay dalka Britain  Mark Scruton wax ka yar 5 second.
 
Mo Farah oo ku orday 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriq kuna guulaystey oradka  London kana galay kaalinta 1aad halka kaalinta 2aad u galay  ciyaaryahan u dhashay dalka Kenya  lana yiraahdo Samuel Kosgei, kaalinta 3aad waxaa galay isna ciyaaryahan u dhashay dalka Ukrain lana yiraahdo Sergiy Lebid.
 
Guddiga Olombikada Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo ka wada hadlay xus loo sameynayo 15-ka May PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Tuesday, 31 March 2009 13:06
Seddex ruux ayaa geeriyootay, afar ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii  gaari BL ah oo ay la socdeen uu ku dhacay gaari kale oo nooca xamuulka ahaa.

Shilkan gaari ayaa wuxuu yimid kadib markii gaariga Xamuulka ah oo uu xakameyn waayay darawalkii waday uu ka hortegay Gaarigii BL-ka ahaa, sidaasna  ay isugu dhaceen labada gaari ayna ku naf waayeen darawalkii iyo labo ruux oo kale oo qeybta hore la saarneyd.

Mid ka mid ah Dad goob-joog u ahaa shilkaas gaari ayaa HOL u sheegay in afarta ruux ee dhaawacantay ay saarnaayeen qeybta dambe ee gaariga BL-ka ah, dhaawacyadoodana ay ahaayeen kuwo aan cusleyn.
 
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo Eedeeyeey Warbaahinta Soomaalida PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Sunday, 30 November 2008 13:15
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa si kulul ugu eedeeyay qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida in ay faafiyaan warar aan sax ahayn oo ka dhan ah Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada hoos-yimaada.

Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in ay jiraan warbaahinno Soomaaliyeed oo caadeystay in ay mar kasta warar aan jirin ka faafiyeen Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in uu hay’adahaas warbaahineed kula talinayo in ay iska daayaan wararka aan jirin ee ay faafinayaan.

“Waxaa jira Saxafiyiin qora warar lid ku ah Isboortiga Soomaaliya, kuwaasi oo soo xigta ilo wareedyo aan sugneyn oo qaarkood la dareemi karo in looga dan leeyahay in burburiyo Isboortiga Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan mar kale kula talineynaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay arrintaas ka digtoonaadaan”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
 
Gabar Soomaaliyeed oo ka Qaybgalaysa Ciyaaraha Olympickada Bijing PDF Print E-mail
News in Somali - Isboortiga
Monday, 11 August 2008 13:19
Bijing,(insidesomalia.org) - Saamiya yuusuf cumar waa gabar soomaaliyeed oo kamid ah ciyaaryahanada wadankeena Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada ee ka soconaya caasumada wadanka Chinaha ee bijing, iyadoo uga qaybqaadanaysa dhanka orodada.

Gabadhan  oo dadeedu tahay 16jir ayaa ku barbaartay Magaalada Muqdisho, waxayna ka dhalatay qoys faqiir ah oo kamid ah qoysaska ku nool Magaalada Muqdisho.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa ku aalamiintayn jirtay Garoonka Stadium ee Muqdisho oo wax yar un u jiray  gurigooda, waxaana ku gacan siin jirtay hooyadeed oo kamid ahayd ciyaaryahanadii Dawladii Soomaaliya .

Saamiya ayaa sida ay sheegtay  la kulmi jirtay dhibaatooyin marmarka qaar inta ay ku guda jirto hormarinta xirfadeeda ciyaareed,  iyadoo dhibaatooyinkaasi ay ku kalifi jireen waqtiyada qaar  in ay joojiso aalamiintada oo ay ku laabato guriga, iyadoo aad uga xun.
 


Copyright ©2007 - 2010 insidesomalia.org - All Rights Reserved | About Us | Contact us | Disclaimer