Webinsidesomalia.org

Single Sign-On


Easy Sign In
RPX

Tweets

An error occurred

Oops, an error seems to have occurred. We're sorry for any inconvenience this might have caused. If the error persists, feel free to tell us about it.

Twitter could not be reached, the server response code was: 401

User Videos


Rating :
Views :
370
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
351
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
63
Date :
09-08-2010

Newsletter and Updates










News in English
Wararka Maanta

Online Users

0 users and 165 guests online | Show All
Kaalmo
MSF: Shacabka u tura PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Thursday, 04 February 2010 10:20
Isbitaalka Dayniile
Isbitaalka Dayniile
MSF ayaa sheegtay in Isbitaalkeeda Dayniile la keenay 89 ruux oo dhaawac ah shantii maalmood ee u dhexeysay 29 kii January ilaa 2-dii February.

66 ka mid ah dhaawucu waa haween iyo carruur, kuwaas oo dhaawucu gaaray 72 saac gudahood.

Madaxa MSF Soomaaliya, Axelle de la Motte St. Pierre ayaa ku tilmaantay in tirada intaa le'eg ee haween iyo carruur ah oo muddadaa gaaban lagu dhaawacay ay aanay ahayn kama'.

 
Shabaab iyo WFP PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Wednesday, 25 November 2009 16:25
Shabaab
Shabaab
Xarakada Shabaab al Mujaahiddiin, ayaa amar ku bixisay in barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay, waa hey'adda WFP, aanay mar dambe dalka keeni karin raashin dibadda laga soo iibiyay.

Sabab waxay uga dhigeen in ay WFP dhibaato ku hayso beeraleyda Soomaaliyeed, oo marka ay beeruhu u soo go'aan ay hey'addu keeneyso raashin lacag la'aan ah.

Sidaa darteed, ayuu yiri warka ka soo baxay Shabaab, hey'addu waa in ay raashinka ka iibsataa beeraleyda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Shabaab wuxuu amar ku siiyay qandaraaslayaasha Soomaaliyeed in ay ka baxaan heshiiska ay kula jiraan WFP inta ka horreysa 1 January, 2010.

Xarakada Shabaab waxay sheegtay in ay ka dooneyso WFP in ay faaruqiso dhammaanba bakhaarrada uu raashinku ugu jiro inta ka horreysa 1-da January 2010.

 
Djibouti iyo UNESCO PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Tuesday, 20 October 2009 15:21
Djibouti
Djibouti
Djibouti waxaa loo doortay in ay xubin ka noqoto UNESCO afarta sano ee soo socota.

Arrintaasi waxay ku soo beegantay iyada oo Madaxweynaha Djibouti, ISmaaciil Cumar Geelle, lagu marti qaaday in uu maanta hadal ka jeediyo Golaha Guud ee ururka QM ee Dhaqanka iyo Aqoonta, UNESCO.

In ka badan 150 dal ayaa u codeeyay Djibouti.

Madaxweynaha Djibouti oo BBC u warramay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dalkiisa markii ugu horreysay loo doorto xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee UNESCO.

 
AMISOM oo geelleey siisay $7,600 PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Tuesday, 13 October 2009 09:03
Neef geel ah
Neef geel ah
Ciidammada Afrika ee jooga Muqdisho, AMISOM ayaa bixisay magdhow gaaraya $7600 maanta.

Magdhowgan ayaa laga bixiyay geel tiradiisu 9 tahay, oo ciidanka AMISOM ay rasaas ku dileen ka dib markay rasaaseeyeen geel guureynaya oo ay ka shakiyeen.

Geela oo qaar kalena ku dhaawacmay rasaasta ayaa waxaa watay will geel jire oo khabaar-moog ah.

Ciidanka AMISOM, markay ka war heleen arrinta ayay ku dhaqaaqeen tallaabadan oo ah mid muujineysa in ay khaldameen.

Soomaaliya waa dalka dunida ugu geel badan.

 
Dadka barakacay oo ay dhibaato heysato PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Thursday, 08 October 2009 13:36
Hooyooyin barakacay
Dad ka barakacay dagaallada magaalada Muqdisho
Dad ka barakacay degmooyin ay ka mid yihiin Shibis, Cabdicasiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa shalay dibedbax cabasho ah ka dhigay deegaanada ay ku sugan yihiin ee dulleedka Muqdisho.

Dadkaasi ka barakacay dagaallada magaaalada Muqdisho oo haatan ku sugan tuullooyinka Ceel Cadde, Gubadleey, Gal galato iyo Ceel Macaan ayaa waxay ka cabanayeen dhibaatooyinka xagga nolosha ka heysta.

Xubno u hadlay dadkaasi ayaa sheegay in dadkaasi aad loo hagraday oo aanay heysan hoy ay ka galaan qoraxda, sidoo kale waxaa heysato dhibaato xagga biyaha oo aanay heysan barkadihii biyaha lagu shuban jiray.

 
Xaaladda xeryaha barakacayaasha Boosaaso PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Tuesday, 29 September 2009 12:45
Garowe, caasimadda Puntland
Garowe, caasimadda Puntland
Xeryaha barakacayaasha ee magaalada Bosaso qaarkood oo ay ka mid tahay xerada Shabeelle, ayaa laga dayrinayaa xaaladooda nololeed.

Waxaa walwalkan uu yimid kadib markii gargaarka la siiyo xeryahaas uu hakad galay, taasoo dhalisay in nolol xumo laga soo sheego xeryahaas, iyadoo sidoo kale duruufaha kale ee qaxootiyada aanay xilligan wanaagsanayn.

 
Madfac dad ku dilay isbitaalka Martiini PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Saturday, 12 September 2009 08:28
Dhaawac
Qof ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho
Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhintay in ka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen markii uu madfac ku soo dhacay xubno ka tirsan naafadii ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku xareysnaa Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
 

Haddaba waxaan telefonka kula xiriirnay Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Cali oo ah Kalkaaliye caafimaad oo halkaasi ku sugnaa xilliga uu hoobiyuhu kusoo dhacay halkaasi, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

 
Malaayiin Soomaali ah oo Gargaar u Baahan PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Wednesday, 26 August 2009 13:06

Newly displaced families wait for registration outside an IDP camp outside Mogadishu, Somalia, 15 May 2009
Dadka bara-kacay
Daraasad cusub oo la sii daayay Talaada maanta ah ayaa muujisay in kalabar dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo, iyada oo Soomaaliya ay haatan ka jirto xaalad nafaqo darro tan ugu ba’an ee adduunka ka taagan.

Cindy Holleman oo ah madaxa kooxda farsamo ee hogaaminaysay daraasaddan ayaa sheegtay in laga soo bilaabo biloowgii sannadkan markii ay dagaalladu sii xoogaysteen la dareemayay xaalad ka sii daraysa oo ka jirta dhinaca cunno yaraanta iyo nafaqada.

Kooxdkan ayaa sheegtay in dad ka badan saddex milyan iyo todoba boqol oo kun oo Soomaali ahi ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo. Waxa ay sheegeen in afar meelood, saddexdood dadkaasi ay ku nool yihiin bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay dagaalladu marayaan marxaladdoodii ugu xumayd.

Kooxdu waxa kale oo ay sheegeen in tirada dadka ka soo barakacay guryahooda tan iyo bishii Janauray ee sannadkan ay korortay 40 boqolkiiba, taasoo gaarsiisay tirada barakacayaayasha hal milyan iyo afar boqol oo kun.

 
Dhibaatada cuntada ee dalka Soomaaliya PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Wednesday, 26 August 2009 12:59
Cunto
Cunto
Somaaliya, ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin isugu jira colaad iyo mid bani'adaninimo, waxayna ku riixaysaa dadka Soomaalida in ay sii haraadiso nafaqo la'aan iyo cunno la'aan.

Hay'adda ka shaqeysa amaanka cunnadda iyo nafaqeynta ayaa waxay xaqiijineysaa in xaaladda bani'aadaninimo ee Somaalia ka jira in ay sii baahayaan, kana sii darayaan, iyadoo ay dad badan u baahan yihiin cunno gargaar ah.

Aden Nux Dhuule ayaa aqriyay war-saxaafadeed ay soo saartay hay'addani oo noo soo koobaya.

Dhinaca kale, Hay'adda amaanka cunnadda iyo nafaqeynta ayaa waxay xaqiijineysaa in xaaladda bani'aadaninimo ee Somaalia ka jira ay sii baahayso iyadoo ay abaartu ka jirto gobolo badan haba ugu daraadaane goboladda Hiiraan iyo galgaduud.

 
Lix ajnabi ah oo afduub laga sii daayay PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Tuesday, 11 August 2009 15:52
Xafiiska Madaxwaynaha Faransiiska, Nicolas Sarkozy, ayaa sheegay in lix qof oo lala xiriirinayo koox gargaar oo Faransiiska ah la sii daayay kadib sagaal bilood oo lagu haystay gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Sarkozy, ayaa ku sheegay war uu soo saaray maanta, in la soo dhowaynayo sii daynta afarta qof reer Europe iyo laba Kenyan ah oo la shaqaynayay hay'adda ACF.

Warka, ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sida loo soo daayay.

Xarunta Paris ee hay'adda ACF ayaan isla markiiba cadaynin sii daynta.

 
Al-Shabaab oo maanta dayactir balaaran sameeyey PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Thursday, 06 August 2009 16:24

Waxaa maanta howlo dayactir ah ay ka bilowdeen wado jidcadde ah oo isku xirta Isgoyska Ifka Xalane ilaa iyo wadada Kaaraha loo yaqaano ee ka dambaysa Buurka Ciise Cabdi ee degmada Dayniile magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay goobaha uu dayactirku ka socoday ayaa waxaa uu sheegay in howlahaani dayactirka ah ee ay wadaan ciidamada Xisbada ee gobolka Banaadir ay yihiin kuwa ay sii wadi doonaan isagoo sheegay in wadada ay maanta dayactireen ay aheyd mid ay dhib ku qabeen gaadiidka.

Daawo Sawarrida

 
Deeq lacageed dhan $500 gaarsiiyey barakacayaasha PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Wednesday, 05 August 2009 19:29

Qaar ka mid ah gabdhaha Jaaliyada somaliyeed ee ku dhaqan dalka holand oo kaalmo wax ku ool ah Gaarsiiyey ka dadka guryahoodii ka barakacay ee dagan inta u dhaxayso Muqdishu iyo Afgooye.

In ka badan 100 qoys oo ah dadka guryahoodii kaga cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn eek u sugan deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa la gaarsiiyey deeaq lacageed ay iska soo uruuriyeen qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan dalka Holland gaar ahaa Magaalada   Hague.

Kaalmadaan oo gaareysay $500 ayaa waxaa wakiil ka ahaa gabdhahaas Faadumo Jaamac oo iyadu so gaarsiisay Marwo Caasha cusman ugaas (casha shaacuur) oo iyadu  gacanteeda ku qeybisay.

Daawo Sawarrida

 
7 Soomaali ah oo lagu aasay Stockholm PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Friday, 31 July 2009 13:19

Golaha magaalada Stockholm
Golaha magaalada Stockholm

Hooyo Soomaliyeed iyo 5 caruur ah oo ayy dhashay iyo gabar qaraabo la ahayd, oo ku geeriyooday kulligood dab qabsaday dhisme ay deganayeen oo ku yalla magalcada Stockom ee dalka Sweden, ayaa aaskooda lagu qabtay Stockholm, waxaana ka soo qeyb galay dad aad u farabadan oo isugu jira Soomali iyo ajaaniib, iyo masuuliyiin ka socda dalkaasi Sweden.

Intii aasku socda ayaan la xiriiray Sheekh Xuseen Faarax oo ka mid ah wadaada soomaliyeed oo ka qeybagalay Aaska qoyskaan soomaliyeed, qababanqaabadiisana ganaca ka geystay.

Aamina Muuse Weheliye, ayaa sheekha weydiiyey sida aasku u socdo.

Dabka ay ku dhinteen 7-da qof, ayaa waxaa uu ka kacay guryo hoose oo ka tirsan dhisme dabaq ah oo qoysku dabaqa shanaad ka deganaayeen.

 
Hay'ad laga eryay Somaliland PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Thursday, 30 July 2009 12:56
Somaliland
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Somaliland
Booliiska Somaliland, ayaa maanta ka saaray Hargeisa wakiilkii Hay'adda Interpeace, Mr Samoro, taasoo diiwaangelita ka caawinayay guddiga doorashada Somaliland.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay in Wakiilkii Hay'adda xafiiskeeda Hargeysa laga eryo Somaliland .

Wuxuu ku eedeeyay Wakiilka inuu Si sharci darro ah Shalay Galab ugu qaybiyay Xisbiyada Qaarkood Natiijadii diiwaangelita Codbixiyayaasha ee Muranku Ka taagnaa.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar oo markaa ka dib uu wareystay Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ugu sababaha ay u eryeen wakiilkii hay'adda Interpeace Mr. Samoro.

 
Wasiirka Bini Aadanimada iyo Dib u dejinta 50 kun oo qoys ayaa guryahoodii ka barakacday PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Monday, 27 July 2009 14:02

Wasiirka Bini Aadanimada iyo Dib u dejinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta dowladda Liibiya kala wareegay Deeq Teendhooyin ah oo loogu Talogalay dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.

Dr Maxamed Cabdi Ibaarhim (Garweyne) Wasiirka Bini Aadanimada iyo Dib u dejinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka warbixiyay Deeq gaaraysa 960-Teendho oo ay ugu deeqday Hey’adda Qadaafi ee dalka Liibiya dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan ayaa ahayd tii labaad ee ay soo gaarsiiso Hey’adda Qadaafi dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo wasiirku sheegay in deeqdaan la gaasiiyay 350-Teendho dadka u barakacay deegaanka Ceelasha Biyaha, halka 450-kalana la gaarsiiyay Duleedka Waqooyiga Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ina harayna la gaarsiinaayo dad kale oo barakacayaal ah.

Daawo Sawirrada

 
Ban Ki-moon oo ku baaqay in la kordhiyo taageerada AMISOM PDF Print E-mail
News in Somali - Kaalmo
Friday, 24 July 2009 16:22
Ban Ki-moon
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobau Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah QM in ay kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Warxbixin uu saddexdii biloodba mar u gudbiyo golaha amaanka ayuu Mr Ban wuxuu sheegay in hawlaha ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin gacan kale, si loo kordhiyo tirada ciidamada AU ee somalia oo loo gaarsiiyo 8 kun oo askari.

Ban Ki-moon wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la taageero dawladda Soomaaliya oo iminka ay dagaalo isaga soo horjeedaan xoogaga islaamiyiinta ee kacdoonka ku haya.

 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 Next > End >>

Page 1 of 5
Copyright ©2007 - 2010 insidesomalia.org - All Rights Reserved | About Us | Contact us | Disclaimer