Webinsidesomalia.org

Single Sign-On


Easy Sign In
RPX

Tweets

An error occurred

Oops, an error seems to have occurred. We're sorry for any inconvenience this might have caused. If the error persists, feel free to tell us about it.

User Videos


Rating :
Views :
370
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
351
Date :
09-08-2010
Rating :
Views :
63
Date :
09-08-2010

Newsletter and Updates










News in English
Wararka Maanta

Online Users

0 users and 187 guests online | Show All
Media & Technology
Arday dhamaysatay Master degree PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Thursday, 03 September 2009 12:18
Garowe
Garowe
Magalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad loogu talogalay arday dhameysatay darajada Master ee jaamacada Muqdisho, qeybteedii labaad.
 

Wariyaha BBCda Axmed Maxamed Cali ayaa arrintaas wareysi kala yeeshay guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho, Dr Cali Sheekh Axmed, wuxuuna weydiiyey goorta ay ugu horey bilaabeen tacliinta darajada Master-ka.

 
Samatar: Garoonka Diyaaradaha ayaa nalagu hakiyey PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Wednesday, 26 August 2009 13:02

Prof. Cabdi Samatar
Prof. Cabdi Samatar
Sida ay baahisay idaacadda Minnesota, Prof. Abdi Ismaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada ugu caansan Somalia, maadada Juqraafigana ka dhiga Jaamacada Minnesota ayaa sheegay in dhowr jeer isaga iyo xaaskiisa lagu joojiyay garoomada Diyaaraha Mareykanka.

Prof. Cabdi Ismaaciil, wuxuu sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Cawo Cabdi oo iyaduna macalimad ka ah jaamacada Minnesota ay suaallo qaatay ilaa 2 saacadood weydiiyeen saraakiisha socdaalka Mareykanka, isagoo sheegay in si weyn loo baadhay shandadihii iyo dukumintiyadii uu watay. Prof. Samatar wuxuu sheegay in markii ugu danbeysay ee lagu hakiyo airport-ka ay ahayd bishan kadib markii uu ka soo noqday shir uu dalka Sweden uga qeybgalay. 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu ku macneeyay sababaha loo joojinayo “ Mar haddii aad wadato magac islaam ah, Somaalina tahay, Degan tahayna Minneapolis isla markaana wax badan aad socdaasho waxaad bartilmaameed u tahay in lagu istaajiyo oo lagugu baadho garoomada diyaaradaha.

 
Sanad-guuradii 1-aad ee afduubka Amanda iyo Nigel PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Monday, 24 August 2009 10:18
Amanda Lindhout23-kii bishii August ee sanadkii hore ayay aheyd markii gaarigii ay wateen la leexsaday laba wariye oo la kala yiraahdo Amanda Lindhout iyo Nigel Brennen, oo u kala dhashay Canada iyo Australia. Waxaa weheliyey suxufi Soomaali ah oo lagu magacaabo C/fitaax Cilmi-Dheere. Waxay marayeen agagaarka KM 13, oo ku beegan duleedka koonfureed ee Muqdisho.

Sida uu ii sheegay C/fitaax, waxay kusii jeedeen deegaanka Ceelasha Biyaha, si ay caalamka ugu tabiyaan silaca iyo saxariirta ay ku jiraan boqollaal-ka kun ee qof ee goobtaas ku barakacay.

Shuruudo adag

Ha yeeshee kooxaha afduubay suxufiyiintan, ayaa shuruudo adag ku xiray sii deynta labadan wariye. Maalmod kaddib markii ay afduubeen, ayay la xariireen warbaahinta caalamka, waxayna codsadeen lacag gaareysa laba milyan iyo bar.

Nasiib darro, codsigoodaasi wuxuu kusoo beegmay iyadoo qulqulatooyin siyaasadeed ay hareeyeen Somalia. Beesha caalamka ayaa xilligaas culeyskeeda isugu geysay sidii uu talada dalka uga dagi lahaa Col. C/llahi Yusuf. Shirkii Djibouti ee curtay dowladda midnimada qaran-na wuxuu marayey heer xasaasi ah.

 
Somaliland oo sii deysay Cabdalla Xaaji Cali PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Saturday, 25 July 2009 08:27
Hargeysa
Magaalada Hargeysa
Maamulka Somaliland waxaa dhawaan magaalada Berbera ay ku xireen Cabdalla Xaaji Cali oo horey uga tirsanaa baarlamaanka KMG ee Soomaaliya, kadib markii uu deegaankaasi ku laabtay.
 

Cabdalla oo loo soo wareejiyay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa maanta la sii daayay.

Cabdalla oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay inuu xirnaa muddo shan maalmood ah, isagoo intaa raaciyay in markii hore si qaldan hadalkiisa loo fasiray.

Waxa uu sheegay in uu ka laabtay ka mid ahaanshaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

 
Laba Faransiis ah oo Muqdisho Laga Afduubay PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Tuesday, 14 July 2009 14:03

Hotel Saxafi
Hotel Saxafi
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho laga afduubay laba qof oo u dhashay dalka Faransiiska.Waxa jira warar iska soo horjeeda oo ka soo baxaya mihnadda dadka la afduubay iyo shaqada ay u joogeen Muqdisho.

Koox ka kooban ugu yaraan 10 qof ayaa Talaadada maanta ah Hotel Saxafi guluf ku galay,waxa ay hub-dhig ku sameeyeen waardiyayaashii, dabadeedna waxa ay qololkoodkii kala soo bexeen labada muwaadin ee Faransiiska ah.

Labadan qof ayaa markii hore loo maleeynayay in ay yihiin saxafiyiin, hase yeeshee, ila-wareedyo ayaa haatan sheegaya in ay ahaayeen la taliyayaal ka socda millatariga Faransiiska.

Saxafiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ah ee ajnabiga ah ayaa inta badan bartilmaameed u ah kooxaha wax qafaasha, iyada oo haatan muddo ku dhow sagaal bilood ay gacanta afduubayaasha ku jiraan laba wariye oo u kala dhashay dalalka Canada iyo Australia.




14-July-2009
 
 
Arday Somali ah oo Billad Dahab ah Qaatay PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Tuesday, 14 July 2009 14:01

Yonis iyo Ra'isal Wasaaraha Pakistan
Yonis iyo Ra'isal Wasaaraha Pakistan
Ra'iisul wasaaraha Pakistan Yusuf Raza Gailani ayaa gudoon siiyay bilad dahab arday Soomaaliyeed oo kaalin sare ka galay waxbarashdisii jaamacadeed, ardaygan oo lagu magacaabo Yoonis Xasan Xuseen (Alifow) ayaa qaatay shahaadadda Master-ka ee Dhaqaalaha.

Mr. Yoonis Alifow wuxuu kaalinta koowaad u galay arday kor u dhaafeyso 90 arday waxaana uu ka qalin jabiyay kuliyada dhaqaalaha ee jaamacadda International Islamic University Islamabad (IIUI).

Munaasabad loogu talagalay Qalin jabinta ardaydaasi oo lagu qabtay Xaruunta Jaamacaddaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ra'iisul wasaaraha Pakistan oo billad dahab ah qoorta u suray ardaygaasi Soomaaliyeed. Xafladaasi waxaa la gudoon siiyay shahaado arday gaarayso 2267 oo 6 ka mid ah ay ahaayeen PhD. Ra'iisul wasaare Raza Gailani waxuu gudoon siisyay bilado dahab arday dhan 34 oo kaalimaha koowaadka galay takhasuskooda.

 
laba nin oo ajaaniib ah oo goordhaweyd Muqdisho lagu afduubtay PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Tuesday, 14 July 2009 10:21
Wararka laga delayo hotel Saxafi ayaa sheegayo in gudaha hotelka laga afduubtay laba nin oo ajnabi ah.

Labadaan nin  oo ajanabi ah ayaa kooxo hubaysan waxaa ay saacado ka hor ka afduubteen hoteel ku yaala magaalada Muqdisho.

Lama ogo sababata iyo cida ka danbeysay afduubka labadaan qof ee reer galbeedka ah iyo jahada lala aaday waxaase la sheegayaan in ay u dhasheen dalka france

Howlaha ay u joogeen dalka somaliya ayaa warar is qilaafsan oo ka soo baxcayo sheegayaan in ay ahaateen suxufiyiin halka warkale sheegayo in ay ahaayeen marti ay dowladu halkaa ku ogeyd waxaana warar hoose sheegayaan in ay ahaayeen saraakiil xaga tababarka ciidamda ah u joogay Magaalada Muqdisho.
 
Micheal Jackson oo geeriyooday PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Saturday, 27 June 2009 06:10
Michael Jackson
Michael Jackson waxa uu ka heesi lahaa London bisha July
Michael Jackson oo ahaa fanaan caan ahaa ayaa ku dhintay magaalada Los Angeles, ee waddanka Mareykanka isaga oo 50 jira.
 

Fanaanka ayaa wararku sheegayaan in wadnuhu istaagay, isaga oo jooga gurigiisa, oo laga waayay wax neef ah markii dhaqaatiirta loogu wacay oo isbitaalka loola cararay.

Michael Jackson, waxaa lagu dhawaaqay inuu dhintay laba saac kadib markii la geeyay isbitaalka UCLA ee Los Angeles.

 
Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay in ay xoriyaddooda dib u heli doonaan Wariyayaal Ajnabi ah oo muddo sanad ku dhow ku af-duuban Muqdisho PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Friday, 19 June 2009 10:05
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadaha Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa sheegay in Wariyayaal u kala dhashay dalalka Canada iyo Australia oo af-duub loogu heysto Soomaaliya muddo sanad ku dhow la sii deyn doono.

Ra’iisal Wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa rajo ka muujiyay in ay xoriyaddooda dib u heli doonaan Wariyayaal Ajnabi ah oo muddo sanad ku dhow lagu heysto Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
 
Madonna oo loo ogolaaday inay korsato Mercy PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Saturday, 13 June 2009 08:22
Madonna
Madonna waxa hadda ka hor ay ka wadatay Malawi wiil yar oo isna ay korsato
Gabadha caanka ah ee heesta Madoona ayaa ku guuleeysatay racfaan ay ka qaadaty markii loo diiday gabar yar oo dalka Malawi u dhalatay oo ay dooneysay inay iyada korsato.
 

Go'aanka waxaa mar dhaw ku dhawaaqday maxkamadda sare ee Racfaanka ee waddanka Malawi.

Madaxa ugu sareeya sareeya maxkamadda cadaaladda Lovemore Munlo ayaa sheegay in Madona ay xaq u leedahay inay korsato gabadhaasi yar ee reer Malawi Chifundo James oo lagu naaneeyso Mercy.

Taasi oo ay fanaanadu in muddo ahba isku dayaysay inay hooyo u noqoto oo ay korsato.

 
In ka badan 10 Wariye oo maanta Muqdisho kaga dhawaaqay in ay joojiyeen howlihii Warbaahineed PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Tuesday, 09 June 2009 12:59

In ka badan 10 Wariye oo ka howlgeli jiray Idaacado iyo TV-yo ku yaalla Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen howshii Warbaahineed ee ay ka wadeen Magaalada Muqdisho.

Wariyayaashan oo  shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay go’aankan qaateen kaddib markii ay garawsadeen in aysan ku sii shaqeyn karin duruufaha nabadgelyo ee la soo gudboonaaday Wariyayaasha ka howlgala Soomaaliya.

Haddaba Qoraal ay Wariyayaashan soo saareen ayaa wuxuu u qornaa sidan:

 
Warbaahinta oo digniin loo direy PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Monday, 01 June 2009 07:12
Ururka Al-shabaab ayaa ku eedeeyay warbaahinta Muqdisho inay la shaqeyso dowlada Somalia iyo dalalka taageera, waxayna ka dalbadeen wariyeyaashu inay si dhexdhexaadnimo ah uga hadlaan dhacdooyinka Somalia.

Afhayeenka ururkan hubeysan Sh. Cali Max'ud Rage [Dhere] oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho shalay [May 27] ayaa sheegay in warbaahinta qaarkood ay dhaqaale ka helaan xukuumada, taasna ay keentay inay qariyaan runta.

"Waxaan u sheegayaa kuwa sheegta warbaahinta ee inta badan yiraahda waxaan ku shaqeynaa hab dhexdhexaadnimo ah inay dhinac gaar ah la safan yihiin oo waxa ay sheegayaan aan ka run sheegin" ayuu si ay caro ku jirto u yiri Sh. Cali dhere, isagoo intaas raaciyay:
 
Ururka NUSOJ oo Muqdisho la ku xusay (Daawo Sawirrada) PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Monday, 04 May 2009 08:46

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta ku qabtay Muqdisho xaflad lagu xusayay maanta saxaafadda Adduunka oo maanta ku beegan, xafladdaasoo lagu qabtay Hotel Saxafi International.  Mas'uuliyiin ka socda dowladda ayaa ka qaybgalay xafladaas, waxaana ka mid ahaa ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen, Abwaan Maxamed Cumar, Ustaad Ax'ed Max'ed Dhicisow, Agaaasimaha Wasaarada Wafaafinta C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) iyo Afhayeenka dowladda Cabdi Xaaji Goobdoon.

In ka badan 50-suxufi oo ka socday qaybaha kala duwan ee saxaafadda ayaa iyaguna xafladda kasoo qaybgalay, iyadoo dhamaan dadkii hadlay ay si weyn u taabteen tacdiyada saxafiyiinta lagu hayo.

Madaxa warfaafinta ee NUSOJ C/raxmaan Dalmar oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa ka dalbaday dhinacyada isku haya Somalia inay joojiyaan tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda, isagoo xusay in saxafiyiintu ay ku shaqeeyaan xaalad adag.

"Sannadkan bilowgiisii waxaan la kowsanay haddaan suxufiyiin nahay tacadiyo isugu jira, dilal, hanjabaadyo iyo weliba jirdil, waxaan runtii la dhihi karaan saxaafadda Somalidu ma haysato xorriyadii ay u baahnayd" ayuu yiri C/raxmaan Dalmar.

Sawirrada Xaflada...

 
Al-Shabaab oo Xabsiga dhigay Wariyayaal u shaqeynayay Idaacadda Jubba ee Magaalada Baydhabo PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Monday, 27 April 2009 08:12

Maamulka Al-Shabaab ee ka taliya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa wuxuu xabsiga dhigay seddex wariye oo u shaqeynayay Idaacad Jubba lagu magacaabo oo magaaladaas ka howlgasha.

Wariyayaasha la xiray oo kala ah Mukhtaar Maxamed Catoosh oo Agaasimaha Idaacadda ah, Maxamed Cadaawe oo Tifaftiraha Idaacadad ah iyo Maxamed Nuur Cabdalla oo Wariyayaasha Idaacadda ka tirsan ayaa waxay xalay ku hoydeen Xabsiga Magaalada Baydhabo, iyadoo intii aan la xirin ka hor ay la soo xiriireen mas’uuliyiin ammaanka u qaabilsan maamulka Al-Shabaab ee ka taliya magaalada Baydhabo.

 
kaasi kudhaafye maraqa cab PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Sunday, 05 April 2009 07:16
A salamu calaykum, salaan ka bacdi waxaan u mahad celinayaa bahda somalilandpress ee heeganka ha sidadadkooda ay warka u gaadhsin lahayn u diyaar ah waxaan idin leenahay wad hawsha waxaan marka labadaad salaamaya dadka reer somaliland meelkastooy joogaanwaxaan idiin rajaynayaa khayr dhamaantii.

marka hore hadaan  fikirka yar ka dhiibtomudo kordhintii ay sameeyeen  waxaan qabaa inay saxan yihiin golaha guurtidu go’aankay qaateen,sababto ah golahu wuxuu yahay marjica loo noqonaayo markay hawli timaado.goluhuna wuxuu go’aankan qaatay markay ku heshiin waayeen xisbiyada qaranku wax go’aan ah amaba ay raaci waayeen taladii komaiishankuna uu soo jeediyay in la qabto 31 may 2009 doorashad oo ah inyar in dub loo riixo doorashada oo ay isku iman waayeen xisbiyada oo ay go’aan midaysan qaataan taasi way dhici wayday wax go’aanana may qaadan waayeen.

sidasayna guurtidu go’aankan kaba danbaysta ah gaadhay kumanayna khaldanayan go’aankaa.
khaladkaana waxaa iska leh xisbiyada uun ka adag yuuyotanka iyo is canbaaraynta ay saxaafada iyo fagaarayaasha isku marinayaan midba midkakale uu canbaarynayo ama aflagaadeeyo.

markaan u imaado maxaa xal ah?

xalku wuxuu ku jiraa in lasku yimado saddexda xisbi qaran,labad gole, xukuumada iyo koomisanka oo wada tashadaan, marka horena aqbalaan muda kordhinta, marka labaadna ay wada hawlgalaan si isku duubni ah u shaqeeyaan. laakiin haday mudadaa la kordhiyay ay si doodii bilaaban khaladka yagaa leh iyo idinkaa leh iyo muda kordhina aqblimayno iyo waanu aqbalany, inta la kordhiyayna yadoo dhamaatay baaynu arki barito oo hadan laga cabanaayo golaha guurtid.
 
Maamula Puntland oo dacwad ku oogaya Amiin Caamir PDF Print E-mail
News in Somali - Media & Technology
Sunday, 15 February 2009 17:08

Amiin CumarKulan saxafdeed dhinacyo badan taabanaya oo 14 Feb,2009 si wadajir ah ay u qabteen

Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Maxamad Farole & Wasiir ku-xigeenka Wasarada Warfaafinta Mud.Cabdishakur Mire Aadan ayaa waxa eedeeyn dusha looga tuurey ninka sameeya sawirada gacanta lagu xardho Amiin Camir.

Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Farole ayaa sheegey in ay tahay  been abuur aan waxba ka jirin sawir gacmedkaan la xardhey kaas oo sida fariin ah in Puntland dib looga furey Warshada daabacda lacagaha Faalsada ah.

Mud.Farole ayaa ku tilmaamey sawirka Amiin Camir mid sidey dacaayad siyaasdeed kaas oo lagu dhabar jabinayo isbadalka siyaasadeed ee ka dhacey Puntland.

Mr.Farole ayaa saxaafada u sheegey in Sawir Xardhaha Amiin Caamir ay Xukumadiisu ku soo oogi doonto dacwad ka dhan ah madaama uu meel ka dhac shaqsiyadeed [ Defamation] sameyey, islamarkana uu yahay been abuur aan sal iyo raad toona laheyn oo laga  faafiyey MGPL.

 
<< Start < Prev 1 2 Next > End >>

Page 1 of 2
Copyright ©2007 - 2010 insidesomalia.org - All Rights Reserved | About Us | Contact us | Disclaimer